Waa Maxay Shareecadu?

Hase ahaatee, waxaa jira isku dayo ka dhex guuxaya isla akaadeemiyadda gudaheeda kuwaa oo si kulul u dhaliila habka ay wax u socdaan, mid ka mid ah isku dayadaas ayaynu maanta dul istaagaynaa.

 · 5 min read

Waxaa jira iskudayo lagu beddelayo habka reer galbeedku u diraaseeyaan Islaamka gaar ahaan, dhaqamada iyo diimaha bariga guud ahaan. Iskudayadan ma badna ama ma soo gaadhaan fagaarayaasha akaadeemiyadda reer galbeedka sababa jira awgood oo ay ugu horrayso aqbalid la’aanta aanay akaadeemiyadda galbeedku ku qaadan aragtiyaha ka soo horjeeda manhajka ay wax ku diraasayso.


Hase ahaatee, waxaa jira isku dayo ka dhex guuxaya isla akaadeemiyadda gudaheeda kuwaa oo si kulul u dhaliila habka ay wax u socdaan, mid ka mid ah isku dayadaas ayaynu maanta dul istaagaynaa.


Dhiganahan Waa’il Xallaaq oo ah bare sare oo ka hawlgala jaamacadda Colombia ee New York ku taalla uu qoray, uuna ugu magac daray “waa maxay shareecadu?” wuxuu xaashiyihiisan aan boqolka dhaafayn ku soo gudbinayaa aragtiyo si maangal ah u naqdinaya habka ula kaca ah ee loogu talagalay in lagu dibrido shareecada iyo kaalinta ay kaga jirto nolosha bulshooyinka muslimiinta ah, isaga oo kashifaya waddooyinka kala duwan ee loo maray kala dhantaalka shareecada. Waxa uu qoraagu u qaybiyay kitaabkan saddex qaybood oo uu ugu talagalay in uu mid walba ku daweeyo dhaawacyo fikir oo loo gaystay shareecada.


Cutubka koowaad waxa uu qoraagu u bixiyay “mushkilado fahan” oo uu ku soo bandhigayo fahan darrada galbeedka ka haysata shareecada iyo sida aanay mufakiriinta hada joogta isugu hawlin in ay soo dhaafaan xayndaabkii uu Istishraaqu meegaaray. Wuxuu dhibaatooyinkan fahan xumada ah ugu horraysiiyay mushkiladda luqadda oo uu u arkay in ay tahay meesha koowaad ee istishraaqu uga soo dhacay shareecada. Halkan waxa uu luqad ula jeedaa ereyada lagu turjumay ereyada asalka ah, sida shareecada oo loo bixiyay qaanuun amaba qaanuun muxammadi iyadoo loo nisbaynayo nebi Muxaamad S.C.W. Qodobkan aad ayuu qoraagu u kala qaadqaadayaa isaga oo taxliilinaya waxyaabaha isbeddelay marka eraygii Shareecada lagu beegay erayga qaanuun. Wuxuu muujinaya sida shareecada looga dilay kaalintii ay ku lahayd dhaqanka iyo akhlaaqda bulshada oo loogu rogay qaanuun mutuxan oo lagu kala saaro labadii iskhilaafta, ka dib waxa uu daaha ka qaadayaa habka xukun ee shareecadu in uu yahay hab ku dhisan heshiisiin ee aanu ahayn hab ku qotoma kala saaridda labadii khilaaf soo kala dhexgalo oo keliya, isaga oo daliishanaya kaalinta garsooruhu uu ku dhex lahaa bulshada muslimiinta ee aan ku ekayn kala xukumid ama kala saarid, kuna dhisnayd xallinta khliaafka iyo dibuheshiisiinta dhinacyada is-haya si uu mid walba dib ugu laabto gudashada kaalintii uu bulshada ku lahaa isaga oo aan dulmi ama caloolxumo ka tabanayn midka kale.



Wuxuu Waa’il Xallaaq u arkaa in erayga shareecada loo turjumo qaanuun in ay ka dhigan tahay in shareecada lagu qasbayo, korkana laga saarayo mabaadi’da sharciyeed ee seeska u ah dawladda qawmiyadda ku dhisan ee xadaasadu dhashay kuwaa oo ah “ilaalinta iyo karbaashidda”. Erey bixinta kale ee uu ka biyo diiday qoraagu waa eray turjumidiisu af-soomaaliga ku noqonayso dib-u-habayn, waana eraybixin loogu talagalay in lagu sifeeyo isbeddelladii qaanuun ee reer Yurub ay ka hirgaliyeen bulshooyinkii muslimiinta ahaa ee ay gumaysanayeen. Sidaa awgeed waa eray ku dhisan hab fikir ka duulaya in shareecadu ay kala dhimmanayd ama ba isku qasnayd una baahnayd in dib loo habeeyo ama laga takhalluso.



Ereyga saddexaad ee loogu talagalay in lagu wiiqo kaalinta bulsheed ee shareecada ayaa ah in la dhaho shareecadu waxay khusaysaa diinta ama waa diini. Innagu haddii aynu nahay bulsho islaamka ku dhisan, ereygaan wax dhib ah uma aragno laakiin marka la joogo akaadeemiyadda galbeedka oo ku dhisan laalidda ama tuuridda wixii diin ah ama ka ag dhow-maadaama ay diintu agtooda ka tahay buriyaha caqliga, waxaa uu ereygani bixinayaa sawir xun oo ah in shareecadu haba yaraatee aanay wax caqli ah aqbalayn. Waa afrogid ulakac ah oo lagu dilayo furfurnaanta shareecada iyo aragti badnaanta fiqigu ku dhisan yahay, laguna qarinayo dedaallada Ijtihaadka ah ee ay culimadu hayaan. Qaybta labaad ee kitaabkan wuxuu qoraagu aad ugu dheeraanaya seeska bulsho iyo akhlaaqeed eey ay shareecadu ku qotonto. Wuxuuna bilowga isku weydiinayaa waxa uu yahay sawirka xadaasadu ka haysato shareecada? Jawaabta isweyndiintaas waxa uu si faahfaahsan ugu qaadaa dhigayaa badi bogagga kitaabkaan, wuxuuna qabaa in muuqa ay xadaasadu ka gudbisay shareecada ee ah in ay tahay qawaaniin ku qoran kutub kaliya uu qariyay kaalintii akhlaaqeed ee ay ku dhex lahayd bulshooyinkii muslimiinta ahaa. Wuxuu ka hadlayaa mawduuc burinaya muuqaalka ay xadaasadu ku ladhay shareecada, mawduucaas oo aynu u bixin karno “isku dhafnaanta shareecada”. Wuxuuna kaga hadlayaa in shareecadu ahayd xidhiidho bulsho, dhaqan, dhaqaale iyo akhlaaqeed oo isku dhafan oo ku dhex milmaya habdhismeedka aqooneed ee bulshada iyo siyaasadda. Xidhiidhadan marar way iska hor imaanayeen, marna way is waafaqayeen. Laakiin waxaan marnaba shaki galayn in shareecadu tahay awoodda kamadambaysta ah ee loo noqonayay. Xidhiidhada bulshadu keliya kuma ekayn shareecada ee waxay ahayd qalabka ay ku hirgasho kala dambaynta xarumaha dawladdu iyo baabb’inta isbarbaryaaca hay’adaha khilaafada markaa jirtay. Waxay la shaqayn jirtay xarumo mar iska hor imaanaya, marna wada shaqaynaya, waxayna mar walba majaraha u haysay wadajirka xarumaha dawladda ee kala duwan-walow ereyga dawlad marka la isticmaalo ay qofka maskaxdiisa ku soo dhacayso habka ay u shaqeeyaan xarumaha dawladda xadaasadu ay dhashay, balse marka khilaafada la joogo xarumahan iyo nidaamkoodu waa ay ka duwan yihiin kuwa aynu maanta la noolnahay. Shareecada waxaa hoos iman jiray dhammaan shaqooyinka xukuumadda, waxayna ka shaqayn jirtay qoridda, baridda, daraasaynta qawaaniinta, waxayna aad ugu hawllanaan jirtay gooni-isutaaggeeda iyo in aanay gacanta u gelin rabitaannada shakhsiga ah ee khaliifka.



Shareecadu waxay ahayd nidaam ku dhisan xeerinta kala duwanaanshaha dhaqan iyo diimeed ee ka jira dhulka lagu dabbaqayo, halka ay fuqahada iyo garsoorayaashu ahaayeen barayaal wax ka qora badi culuumta jirtay-haddii ay ahaan lahayd: sooyaalka, bulshada, caqiidada iyo suugaantaba. Waxay ahaayeen kuwo ka mid ah bulshada ay hoggaanka qaanuun u hayeen, ahna aqoonyahanno ka warhaya baahiyaha bulshada, tagtadeeda iyo taaganteeda oo aan ku koobnayn kala xukumidda labadii is afgaranwaaya. Waxay ahaayeen isha hagta dawladda halka marar bandanna fikirkooda ay ka dhalatay asaasidda habdhaqan cusub oon aan ka baxsanayn xerada diinta, waxay marar kale saamayntoodu dhalisay in ay si cad ummadu u hor istaagto hoggaankii isku daya in uu takrifalo ama dulmi gaysto.



Waxay garsoorayaashu macallimiin ka ahaayeen masaajidda oo ay ku gudbin jireen aqoontooda, waxayna ka soo kala jeedeen dhammaan heerarka bulshada. Labadaan arrimood waxay suurageliyeen in ay fududaato faafidda aqoontu, sababta oo ah qofku si uu barto fiqiga iyo axkaamtiisa uma baahnayn in uu buuxiyo shuruud iyo waraaqo kala duwan sida kuwa maanta la maro e, waxaa ku filnaa inuu fadhiisto xalaqada ka socota masjidka, waxaa iyaduna fududaatay helidda garsoore dadka kala saara iyo mufti lala aado wixii bulshada ama qofka ku taagan ama ku cusub-maadaamo ay garsoorayaashu dadkii saacad walba dhex fadhiyaan. Labadaan arrimood waxay abuureen bulsho garanaysa xaqa ay isku leedahay iyo xaqa Ilaahay S.O.K uu ku leeyahay, hadii aan si kale u dhignana waxay abuureen bulsho akhlaaq ku dhisan. Akhlaaqdaas ay shareecadu seeska u ahayd waxaa ka dhashay bulsho aan aqoon beenta, aan furin markhaatiga beenta ah, aan ku dhicin milgaha qofka muslimka ah, dhexdeedana uu ku yar yahay iska horimaanshuhu. Haddaba, fahanka seeska shareecada ee akhlaaqda ku taagan ka dib, waxaa dhalanaysa su’aal ah goorma ayaa shareecada la qaanuuneeyay (lagu koobay qawaaniin wax uun lagu kala saaro) oo laga dilay kaalintii akhlaaqeed ee bulshada?


Jawaab u raadinta isweydiinta kor ku xusan waxay ku biyashubanaysaa iska horimaanshihii koowaad ee dhexmaray shareecada iyo xadaasada oo ay matalaysay dawladda qawmiga ah ee uu la yimi gumaystuhu.

Iska hor imaanshahan waxaa sabab u ah isu eekaanshaha shaqada ay qabtaan: shareecada iyo dawlada casriga ah, walow ay ku kala duwanaayeen dhabbooyinka ay u marayeen gudashada shaqadooda.


No comments yet.

Add a comment
Ctrl+Enter to add comment